Friday 1 2016 – Thursday 7 2016



 


Warsoomaali.com is sponsored by Worldsom Solar Worldsom Solar Energy  is a leading and trusted solar energy service provider in Somalia.  

 Image result for ramaas software Ramaas Software is  a website development company operating both in Somalia and in UK

UAE oo Mashaariic horumarineed ka fulinaysa Maamulka Jubbaland –  Wacaal Media ( UAE to commission development projects in Kismayu, Jubbaland  ) |  Kismaayo (Wacaal Media) - Safiirka Imaaraatka Carabta , Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi oo Shalay gaarey Kismaayo ayaa sheegay in Dowladdiisa ay Mashruucyo horumarineed ka fulin doonto Magaaladaasi. Shir Jaraa’id oo uu sida wadjir ah ugula qabtay Kismaayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, ayuu , Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi sheegay in UAE ay Iskuulo, Isbitaalo, Xarun Dowladda Hoose ay leedahay iyo Xabsi ka dhisayso Kismaayo.
Xukuumadda Somaliland oo ku dhawaaqday inay Diwaangelinayso Shaqaalaha Ajaanibka ah – Himilo Media Group ( Somaliland to register expatriate workers )  |  Hargeysa (Himilo) – Xukuumadda Somaliland, ayaa diwaangelinaysa Shaqaalaha Ajaanibka ah ee Dalka ka hawl-gala.Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Cali Maxamed Axmed (Cali-Sandulle) oo Shalay hor-tagay Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Guurtida, ayaa iclaamiyey inay diwaangelinayaan Shaqaalaha Ajaanibka ah oo uu tilmaamay in Shaqaalaha Muwaadiniinta ahi ka Cabasho badan ka muujiyeen.
Faysal Cali Waraabe oo Xukumada Siilaanyo ku Eedeyey in aanay Waxba u qabban Shacabka Gobolada Bariga –  Waaheen Media Group ( Somaliland: UCID Chairman blames Somaliland government for neglectiing people in Eastern regions ) |  “Ciidan Kali ah oo la Moodo in ay dadka qabsadeen ayaa loo diray oo waxba aan la Raacin”Hargeysa(Waaheen) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aanay helin dadka ku dhaqan Gobolada Barriga Somaliland adeegyadii aasasiga ahaa ee Bulshada isla markan ka qatan  yihiin Dhaqaalihii waddanka.
Deg Deg: Madaxwayne Dr Cali khaliif Galaydh oo siwayn loogu soo dhoweeyay Buuhodle – jidbaale.com ( Khatumo president warmly welcomed in Buhotle ) | Waxaa goor dhowayd Garoonka diyaaradha magaalada Buuhoodle ee Ismaaciil Mirre kasoo dagay Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo Prof: Cali Khaliif Galaydh iyo wafdi uu hogaaminayo oo kasoo duulay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Deg Deg Banaanbax Xoogan oo Gaalkacyo Ka Bilowday Kaasi oo looga Soo Horjeedo Jawaari, –  Mudug 24 online ( Galka’ayo: Demonstration against federal parliamentary speaker ) |  Waxaa Hada Banaanbax Xoogan laga Qaban Qaabinayaa Magaalada Gaalkacyo kaasi oo looga Soo Horjeedo Tagista Prof Jawaari ee Dhuusomareeb.

Related:C/kariim Guuleed: Jawaari Carqalad Ayuu Dhuusamareeb u Tegay – IshaBay Dhaba ( Galmudug President: Federal Parlimentary Speaker went to Dhusamareb for political mischief ) 
IMG_1645
Madaxweynaha Soomaali oo soo gaaray magaalada Boosaaso – Puntland Post ( Somali President arrives in Bosaso to inaugrate Bosaso Airport ) |  Boosaaso(Puntland Post) Madaxwaynaha Soomaalia  Xasan Shiikh Maxmuud iyo wafdi uu hugaaminaayo ayaa hada soogaaray Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari , waxaan sidiiran ugu soodhaweeyay Madaxda Puntland ugu saraysa Sida Madaxwayanaha Puntland Cabdi Wali Maxmed Cali Gaas ,kuxigeenkiisa ,Gudoomiyah Baarlamaanka Iyo Xubno ka tirsan Sadaxda gole ee Puntaland , waxaana hada uu ku sugan- yahy  Madasha Soodhawaynta Garoonka halkaasi oo uu warbaahinta Kulahadli doono
Lacago Imaaraadku ugu Deeqay Qaxoontida Yeman ee Somaliland ku sugan oo u Lunsaday Wiilka uu Sodog u yahay Madaxweyne Siilaanyo. – Waaheen Media Group ( Somaliland President’s son-in-law misappropriated money  UAE donated to refugees in Somaliland) |  Shirkada la siiyay Tirakoobka Oo Xafiiska Dhigtay Xaruntii Kulmiye ee Magalada Borama.

Muqdisho: Isbaheysi ka dhan ah mamulka Koonfur-galbeed –  dhanaanmedia.com ( An alliance against South-west State ) | 

Wax ka Baro Taariikhda Buurta Gacan Libaax,Godadka Madow ee ku yaala iyo aasaarta ku duugan DAAWO – Somalidiasporanews.Com ( Documentary on Ga’an Libah mountain in Hargeisa ) |  Hargaysa 06.Jan 2016 (SDN/QJ):- Buurta Gacan Libaax Waa Bogcadaha Taariikhiga ah ee Ku Yaala Somaliland. Waa Buur dalxiis,Sidoo kale hada waxaa ku yaala Mashaariic ay Hay’ada Can light ku soo celinayso Bilicdii Buurta Gacan Libaax, Waxaa kale oo Buurtan lagu xasuustaa Kaalintii ay ku lahayd Halgankii dib u xoraynta dalka. Hadaba Halkan ka daawo Warbixin dheer oo uu buurta Gacan Libaax ka soo diyaariyey Weriye Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare).
Carruur miino kula qarax day Gobalka Sanaag – Puntland Post ( Sanaag: Landmine explosion kills children  in Ballibusle ) |  Gudoomiyaha degmada Buraan oo ka tirsan Gobalka Sanaag ayaa sheegay in labo carruur ah miino kula qarax day deegaanka Ballibusle oo qiyaastii magalada u jirta 27-KM sidoo kalena wiil kale uu dhaawac kasoo gaaray.
DAAWO Muuqaal: Mamulka Galmudug oo Mashruuc Dariseyn ah ka bilaabay Galgaduud iyo Mudug – Saadaal Media ( Galmudug introduces neighbourhood scheme in Mudug and Galgaduud ) | Maamulka Galmudug State ayaa bilaabay qorshe lagu dariseynayo dadka dega degmooyinka gobolada maamulkaas. Kulan ay soo qaban qaabisay wasaarada arimaha gudaha ee maamulka Galmudug isla markaana ka dhacay deegaanka Dacdheer ayaa waxaa ka qeyb galay odayaasha iyo waxgaradka beelaha dega Kaxandhaale, Biya-gaduud iyo Galinsoor. 

 

Daawo warbixin ku saabsan kulankii Jaamacada Kismaayo ee Stockhom – dhanaanmedia.com ( Stocholm meeting on Kismayo University – video )

TOP-DHAGEYSO:-Galmudug oo Dil ku Fulisay Gacan ku dhiigle-yaal Digniin Kululna u dirtay Dadka Isbaarooyinka Dhigta Galgaduud iyo Mudug” – Saadaal Media ( Galmudug executes murderer and sends strong message to illegal checkpoint operators ) |  Maxkada degmada gaalkcyo ee galmudug ayaa xukuno kala duwan ku fulisay dad ku eedeysanaa fal danbiyo kala duwan. Maxkamada ayaa sidoo kale waxa ay xukun Xabsi ah ku riday dad kale oo ku eedeysanaa dambiyo ay ka mid ahaayeen falal amaan daro,
DAAWO-Sidii Loo Maleegay Dilkii Ilaahay Ha Unaxariistee Wariye Hindiya Xaaji Maxed –  Saadaal Media ( How Al-shabaab operators plotted to kill Somali female journalist – video ) |
Madaxweyne Siilaanyo oo la Filayo in uu Isku Shandheeyo Golaha Wasiiradda iyo Taliyaasha Ciidamada – Waaheen Media Group ( Somaliland president to reshuffle cabinet)  | Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la Filayaa in uu dhawaan Isku Shandhayn ku sameeyo golihiisa wasiirada iyo Taliyaasha Ciidamada kala duwan. Wararka hor dhac oo ayaa sheegaya in Masuuliyiin Xilal muhiim ah ka haya Xukumada ay la tagidoonto seefta madaxweynaha, wararku waxay intaasi ku darayaan in isku shandhayntani noqondoonto tii ugu cuslayd ee muddooyinkan uu Madaxweynuhu Sameeyo. Isku shandhantay ayaa la filayaa in aanay ku koobnaan uun Wasiirada iyo Taliyaasha Ciidamada, balse ay gaadhidoonto illaa Hay’ada Madaxbaan ee dawlada oo qaar kood aan la badalin masuuliyiintooda Lixdaa Sanno ee Xukumadu xilka haysay. Warar kale ayaa sheegayaa in Muhiimada ugu weyn ee Madaxweynuhu kaleeyahay isku shandhayntan ay tahay Tii Ololaha Doorashada isla markana la magacaabo  Masuuliyiin Xisbul Xaakimka Kulmiye cod uga keeni kara Beelahooda.

Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Soo Iibsatay Agab iyo Gaadiidka Dhismaha Waddooyinka – Somaliland.Org ( Hargeisa local government acquires road construction equipment ) |  Dawladda hoose ee Hargeysa ayaa keentay wajiga labaad ee qalabka lagu dhisayo waddooyinka oo ah warshad isku qasaysa Daamurka iyo Jayga, taasi oo dalka Itoobiya laga soo iibiyey.

Maxkamada ciidamada oo askarta dowlada uga digtay dagaal beeleedka – Bar-kulan ( Somali Military Court warns soldiers against taking sides in clan-based clashes ) |  Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa uga digtay askarta dowladda inay ka qeyb qaataan dagaal beeleedyada ka dhaca dalka. Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda dfderaalka Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in maxkamadda ay tallaabo ka qaadi doonto askarta dowladda ee  ka qeyb qaata dagaal beeleedka. Gudoomiyaha ayaa sheegay in […]

Tahriibka dhallinyarada, Sawir-gacmeed – Bar-kulan ( Youth immigration :  cartoon ) 

Daawo Sawirada Isbadal Hormarineed oo Laga Dareemayo Bilicda magaalada Garowe –  puntlandi.com ( Solar street lights in Garowe improvce city attractivness ) | Isbadal hormarineed oo dhinaca Bilicda ah ayaa laga dareemayaa magaalada Garowe ee Caasimada Dawlada Puntland.

Dagaal ka dhacay Duleedka Degmada Buurhakabo, ee Gobolka Baay – Akhri via Wacaal Media ( Buurhakaba: Government forces launch offensives against Al-shabaab  ) |  Buurhakabo (Wacaal Media) - Dagaal Culus oo u dhaxeeya Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al shabaab ayaa waxa uu ka dhacay Deegaanka Jaceemo ee Duleedka Degmada Buurhakabo ee Gobolka Baay.

Somalia Oo Billowday Olole Af-Soomaaliga Ah -VOA ( Somalia to launch Somali language campaign ) |  Wasiirka waxbarashada Soomaalida Khaddar Bashiir, ayaa sheegtay in warbixinta UNESCO ay sheegeyso in Af-Soomaaliga uu halis ku jiro.

 Beeraleyda Somalia Oo La Horumarinayo – VOA ( Federal government to emphasise agricultural development ) | Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha Soomaaliya, Cabdicasiis Saalax Carmaan ayaa VOA u sheegay inuu jiro qorshe arrintan ku saabsan.

Related: C/Casiis Saalax: “WFP inay raashin u keento beeraleyda marka uu dalagu u soo go’o waa qalad mana yeeleyno” – Somaliwayn ( Deputy Minister for Agriculture: We will not allow WFP to donate food rations to farmers during harvest time ) | Iyadoo dhowaan Dowladda Soomaaliya wakhtiga u kordhisay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP ayaa waxaa soo baxaya eedeymo isa soo taraya oo ku saabsan waxqabadka hay’adaasi ee ay ka waddo dalka Soomaaliya.

 Madaxweynaha Jubaland oo xariga kajaray aqalka martida iyo hoolkii lagu qaban lahaa shirka madasha (sawiro) –  dhanaanmedia.com ( Jubaland President opens hall for consultative meeting ) | Madaxweynaha  Dowlada  Jubalanad mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta xariga kajaxary xaruntii shirweynaha lagu qaban lahaa 10 ka bishaan aan ku guda jirno iyo waliba gurigii martida oo ad loo qurxiyey kuna yaala xeebta qarkeeda

Waraysi: Faysal Rooble – WardheerNews ( An interview with Faisal Roble, political analyst ) | Faysal Cabdi Rooble oo Golaha 1960 uga warramay shir ay qaban qaabisay mac’hadka HESPI, oo dhawaan dalka Jabuuti ka dhacay. Shirkaasi oo lagu gorfaynayey arrimo la xidhiidha qaybsiga khyeraadka iyo canshuuraha dalka ee u dhexeeya Dawladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.
DHAGEYSO:- Xildhibaan Dalxa oo sheegay in Xabsiyada Muqdisho ay ku xiran yihiin dad Masaakiin ah oo awood loo sheegtay -shaaciye.com ( somali Federal MP: Many peoople have been jailed illegally ) |  Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, ayaa sheegay xabsiyada ku yaallo Magaalada Muqdisho, inay ka buuxaan dad badan oo masaakiin ah, kuwaasi oo aanan waxba galabsan.
cropped-ICRC-Soomaaliya-1Gargaar doonyo lagu gaarsiiyey dad waxyeelo ka soo gaartay fatahaada Shabeelaha Dhexe –  Somaliwayn ( ICRC donates boats to victims of river floods ) |  Waxaaa la adeegsaday doomo si loo gaaro bulshooyin hafiyey biyaha daadka, Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS)  waxay  in ka badan 16,000 qoysas ku nool hareerahga Webi Shabeelle waxyeelana  ka soo gaartay fatahaada u qeybiyeen cunto, agabka guryaha oo lagama maarmaanka ah.
Video + Sawiro: Naadiga Horumarinta Deegaanka Oo Dhir U Qaybiyay Goobaha Dadweynaha Ee Magaalada Laascaanood -jidbaale.com ( Environmental Development Club distributes plants to public spaces in Las Anod)  |  Naadiga Horumarinta iyo Ilaalinta Deegaanka ee gobolka Sool ayaa dhir u qaybiyay goobaha Waxbarashada Jaamacadaha , Dugsiyada Sare , Masaadajida , iyo goobaha dadweynaha ka dhexeeya.

TOP-DAAWO:-Askari ka tirsanaa Ciidamada NISA oo maanta lagu Toogtay Muqdisho” – Saadaal Media ( Military court executes security service agent for murdering a civilian )  |  Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Somaaliya oo Dil ku fulisay Askari ka mid ahaa Ciidamada hey’adda nabad SUgidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA halkaan ka waado Masawirada,

Ciidamo kawada tirsan Dowladda FS oo ku dagaalamay Degmada Baraawe – Wacaal Media  ( Somali Army units clash in Barawe ) Ugu yaraan 5 Askari ayaa ku dhintay Dagaal u dhaxeeya Ciidamo kawada tirsana Dowladda Federaalka Somalia oo Maanta oo Axad ah ka dhacay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Wararka ayaa sheegaya in Dagaalka uu billowday markii Gaari lagu dhacay Magaalada, kadibna Ciidanka u kala safteen labo Garab oo qaab Beel u abaabulan.

Wasaaradda maaliyadda oo soo bandhigtay Hindisaha Daah-Furnaanta Dowladda – Horseed Media ( Federal Finance Ministry unveils government transparency initiative ) | Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheikh Maxamuud ayaa bilaabay abuuritaanka nidaamka Dowlada ee Daah Furnaanta, taas oo dowladu ku doonayso in shacabka lala wadaago xogta dowladda. Madaxweynaha ayaa sheegay in daah furnaanta iyo ilsa xisaabtanku ay asaas u yihiin miraha dimuqraadiyada, dowlad wanaaga iyo hormarinta dhaqaalaha. Nidaamka daah furnaantu iyo dowlada oo lala xisaabtamo […]

Gudoomiyaasha Xaafadaha Kala Duwan ee Magaalada BURCO oo Dhaliil uu Diray Komishanka Dooroshooyinka – Somaliland.Org ( Bur’ao neighbourhood chairpersons criticise Somaliland Electoral Commission ) | 

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyay Miisaniyada Qaranka Ee 2016 Iyaga Oo Ka Reebay Cashuur Kordhin Ay Sheegeen In Ay Ku Jirto. – Baligubadlemedia.com ( Somaliland Parliament passes 2016 budget ) | Hargeysa(BGM) Fadhi ay saaka yeesheen mudanaayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa ay ku ansixiyeen odoraska misaanyada qaranka 2016.

Waraysi Xiiso Badan Oo Lala Yeeshay Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaji Xasan(Daawo). - Baligubadlemedia.com ( An interview with former Somaliland Minister for Presidency ) | Hargaysa(BGM) Wasiirkii hore ee Madaxtooyada, Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa waxa uu kaga hadlay arrimo kala duwan, oo ay ay kamid yihiin Xil ka qagistii Wasiirnimo, waayihii uu xilkaas hayay, xaalada Xisbiga KULMIYE, Mustaqbalkooda siyaasadeed iyo qodobo kale.

laasMagaalada Lascaanood iyo Horumarka ay gaadhay sanadkii tagay ee 201-Daawo Sawiro – Waaheen Media Group ( Progress in Las Anod during 2015 ) | Magaaladda Laascaanood waxaa laga billaabay mar keliya waddo dheer oo kala barta inta badan magaalada; taasoo laga soo billaabay Isbitaalka Laascaanood oo ahayd halka ugu darran ee dadka dibaatadu ku qabeen illaa dhanka Koonfur galbeed ee magaalada, taasoo gaadhay ku dhawaad 5-km.

Haweenka Puntland ee ku nool waddamada Norway iyo UK oo deeg lacag ah soo gaarsiiyay dadkii ku dhaawacmay dagaalladii ka dhacay Gaalkacyo (Dhagayso+Sawirro) – Somali RBC Radio ( Puntland diaspora in UK and Norway send money to people injured in Galka’ayo clashes ) |  Gaalkacyo (RBC Radio) Qaar ka mid ah gabdhaha Puntland ee dagan Dalalka Norway iyo Ingiriiska ayaa deeq lacag maanta soo gaarsiiyay Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay Gaalkacyo kuwaas oo ku jira Isbitaalka GMC (Dhagacade) ee Gaalkacyo.

Wasiirka Arrimaha Dibada Iyo Guddoomiyaha Hay’adda Qurbe Joogta Oo Kulan La Qaatay Ururada Somaliland Ee Dalka Ingiriiska. - Baligubadlemedia.comm ( Somaliland Foreign Minister and Chairman of Somaliland Diaspora communities meet Somaliland Societies based in England ) |  London)-Wasiirka arimaha debeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr Sacad Cali Shirre ayaa xalay kulan balaadhan oo is xog waraysi ah la yeeshay dhamaan ururada reer Somaliland ee fadhigoodu yahay cariga Ingiriiska. Waxaa wasiirka kulanka ku wehelinayey gudoomiyaha hay’ada qurbajooga Somaliland Mudane Cabdi Cabdillahi Xirsi (Ina Dayax weerar) iyo wakiilka Somaliland u fadhiya Ingiriiska mudane Cali Cawaale Aadan. Kulanka oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa isku soo duba riday ururka Somaliland Society Europe (SSE) oo ay hoos yimaadaan dhamaan ururada Somaliland ee Europe ka dhisani.

Maamulka G.Banaadir oo dhimay Lacagaha laga qaado Bajaajleyda –  shaaciye.com ( Banadir regional adminstration reduces road tax for tricycle taxis ) |  kulan ay isugu yimaadeen boqolaalWadayaasha Bajaajta iyo Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir  waxana kulankaani u jeedkiisu ahaa in ay su’aalo ku saabsan mushkiladaha Waddooyinka  xirama iyo in iskaashatada mootooyinka Gobolka Banaadir  loo sameeyo qiimo dhimis Canshuurta laga qaado ah.
DHAGEYSO: Maamulka Kismaayo oo u digay gaadiidleyda aan sharciga lahayn iyo bna – Saadaal Media ( Kismayo adminstration warns drivers of cars without plate numbers ) | Maamulka Degmada Kismaayo ayaa Magaalada Kismaayo ka mamnuucay gawaarida Taagada aan lahayn iyo kuwa maraayadaha MadowGudoomiyaha Degmadaas Ibraahim Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in wadayaasha Gadiidka looga baahan yahay in Baabuurtooda ay ku dhejiyaan taarkada.

Full Video: Bandhig Suugaaneedkii Abwaan Cumar Ismaaciil Digeed Ee Jaamacada Nugaal Ka Dhacay -idbaale.com ( Cultural evening with Omar Ismail digeed in Las Anod ) | Waxaa xalay xarunta jaamacada Nugaal ee  magaalada Laascaanood agu qabtay bandhig-suugaaneed uu daadihinayay Abwaan Cumar Ismaaciil Digeed oo ah Hal-abuur Da’yar oo kasoo jeeda gobolada SSC haatana ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

IMG_0277

Ardaydii labaad oo ka qalin jabisay xarunta cunto karinta Bosaso –  Puntland Post ( second batch graduates from cookery course in Bosaso ) |  Dufcadii labaad ayaa ka qalin jabisay xarunta lagu barto cunto karinta Caasho ee magalada Bosaso, ka dib markii munaasibad loogu qabtay ardayda bara-moostay hoolka Jaamacadda Bosaso. Waxaa kasoo qayb galay xafladan masuuliyiin ka socda Jaamacaddaha, mamulka degmada Bosaso,aqoon yahan, waalidiin iyo marti sharaf kale, waxaana goobta lagu soo bandhigay ardayda qalin jabisay cuntooyinkii kala duwanaa ee ay bartaan kuwaasoo ay ku jireen noocyo aan dalka horay loogu cuni jirin.

Al Shabaab oo Weerar ku qaadey Saldhig ku yaala Degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho – Shabelle Media Network ( Mogadishu: Al-shabaab attacks a police station in Heliwaa district ) | Muqdisho (Sh M Network)—Kooxo hubeysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa Xalay Weerar Xoogan waxey ku qaadeen Xarunta Saldhiga Degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho,

Cidamada Itoobiya oo La Geeyey Kismaayo –  VOA ( Ethiopian troops deployed in Kismayo ) |  Mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidamo ka socda dalka Itoobiya oo tiradoodu ku dhowdahay kun askari la gayn doono gobollada Jubbooyinka si ay ugu biiraan ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka oo la filayo inay hawlgallo bilaabaan.

DEG DEG: Dagaal Beeleed dib uga qarxay Duleedka Beledweyne, Hiiraan – Wacaal Media ( Renewed tribal clashes in near Beledweyne    )  |  Dagaal u dhaxeeya Labo Beelood oo dhawaan kuwada dagaalamay Xaafadda Howlwadaag ee Galbeedka Beledweyne ayaa Maanta isku fara-saarey Deegaan lagu magacaabo Buq-matoor.
(Daawo Sawirro)Horumarka ay gaareen Beeraha Puntland Sanadkii 2015 – Somali RBC Radio ( 2015 a year of agricultural productivity in Puntland ) | ) Kacaankii Isku Tashiga Beeraleyda puntland ay ku Midoobeen Sanadkii aynu Soo Dhaafnay ee 2015 ayaan Halkaan Qoraal Koooban Akhristayaasheena ugu Soo Bandhigaynaa Qareen Cabdi Caasiis Ismaacil Garad oo ah Qareen u dooda Beeraleyda Puntland Sida ay Wxa u Qabsan Lahaayeen Cabdi ismaaciil Garaaad oo ah u Qareemaha Beeraleyda Puntland aya ka Ka areysaynay Horumarka ay Gaareen Beeraleyda Puntland intii ay ku Jireen Iskutashiga ay ku Midoobeen.

iskuul

Video:Maxaad Kala Socotaa Iskuulka Agoonta Iyo Danyarta Ee Xaawo Primary School Buuhoodle ?  jidbaale.com ( School for orphans and poor people in Las Anod ) | Iskuulka Xaawo Oo Ah Iskuul Wax Lagu Baro Caruurta Agoomaha iyo Danyarta Ee Aan Awoodin Qarashiyaadka Wax Barasho Isla Markaana kuyaala Magaalada Buuhoodle Ayaa Waxaa Lagu Qabtay Munaasibad Balaadhan Oo Ay Ksoo Qayb Galeen Culimo Awdiin Waxgarad Iyo Masuuliyiinkale Taasi Oo Lagu Dalbanayey In La Tayeeyo Wax Barashada Iskuulka Agoonta Iyo Danyarta Ee Buuhoodle Oo Mudo Afar Sano Ah Ay Soo Waday Samsam Cali Caateeye Iyo Qoyskoodu.

MUQDISHO: Shirkadaha Favori iyo Al-Bayrak oo ka hor-yimid in lala xisaabtamo – All-Xamar ( Favori and Al-Bayrak refuse to be audited by Auditor General ) | Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale Faarax ayaa sheegay in dalka aanay xisaabtiisa xirmi karin, kadib markii uu ku dhaliilay in Hey’addaha lagu wareejiyay ilaha dhaqaale ee dalka ay diideen yihiin in lala xisaabtamo.

Kulan ku saabsan dib u eegista Dastuurka oo lagu soo gaba-gabeeyay Nairobi – All-Xamar ( Constititional review held in Nairobi ) |  Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo uu wehliyo kuxigeenkiisa Koowaad iyo Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta ka qeyb galay kulan howleed magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya uga soconaya guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo guddiga dib u eegista Dastuurka ee madaxa banaan.

DHAGEYSO: Shirkadaha Hormuud iyo Dahabshiil oo lacago deyn ah ku leh Dowlada Soomaaliya.. – shaaciye.com ( Hormuud Telecom and Dahabshiil loaned money to Somali Federal Government ) |  Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya Max’ed Aadan Ibraahim Fargeeti,ayaa sheegay in Dowlada lagu leeyahay lacago deymo ah oo aad u fara badan,kuwaasi oo sheegay in qaarkii ay ku leeyihiin Xawaaladaha Soomaalida iyo kuwo caalami ah.

NISA oo sheegtay in ay ka hortageen Weerar lagu qaadi lahaa Xarunta Xalane ee AMISOM – Shabelle Media Network (Federal Intelligence Service foils  attack on Halane ) |  Muqdisho (Sh M Network)—Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed, Janaraal Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayaa shaaca ka qaaday in ay fashiliyeen Weerar qorsheysnaa oo la doonayay in lagu qaado Xarunta Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Beelaha Marka oo ka baxay heshiiskii la gaaray via Caasimada Online ( Marka Interclan agreement collapses ) |  Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa maalmo un ka hor sheegtay in Heshiis laga gaaray dagaaladii ka socday Magaalada Marka ee Xarunta gobolka Shabellaha Hoose. Waxgaradka magaalada Marka oo ka jawaabaya haddalka Dowlada ayaa beeniyay in Heshiis laga gaaray dagaalada waxa ayna taasi bedelkeeda sheegen in laga cabsi qabo in Colaada ay iminka dib u bilaabato.

Waxgaradka ayaa sheegay in Heshiiska dhacay uusan

Hoobiyayaal lagu asqeeyay goobo muhiim ah & weerar ku wajahnaa Xalane oo … – Caasimada Online ( Al-shabaab attacks key parts [ of Mogadishu ] ) |  Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa Hoobiyayaal ku garaacay qeybo kamid ah deegaanka Jazeera, gaar ahaan meel u dhow badda xeebta Jaziira.

Hawlgal Ka Dhan Ah Garaashyada oo Laga Sameeyay Baydhaba – IshaBay Dhaba ( Security agency searches garages in Baidoa ) | danka Hay’adda Nabad Suggida, ayaa hawlgal muddo lix saacadood qaatay ka sameeyay garaashyada ku yaala Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay.
Jaamacada EAU oo hormuud unoqotay Waxbarashada Maamulka iyo dhaqaalaha –  Puntland Post ( Puntland: East Africa University is a pioneer in management and economics ) | Xaflad ay soo abuubuleen Wasaaradda Maaliyada Puntland Iyo Maamulka Jaamacadda Bariga Africa ayaa waxaa lagu qabtay Xarunta Hoolka Jaamacadda ee Magaalada Garowe.

Guddida Doorashooyinka iyo Xisbiyada Qaranka oo Isla Qaatay in Bisha Kowaad la Bilaabo Diwaanglaintii Codbixiyaasha. –  Waaheen Media Group ( Somaliland Electoral Commission and parties agree the registration to start in January 2016 ) |   Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa kulan la qaatay komishanka doorashada iyo saddexda xisbi qaran ee Somaliland. Kulanka ayaa daarranaa falanqaynta qaabkii ay diwaangalinta codbixiyeyaashu u bilaami lahayd. Diwaangalinta codbixiyeyaashu waa mid ka mid ah fureyaasha qabsoomida doorashada 2017-ka.
Daawo: “Waxaan Doonayaa Inaan Xisbiga Bari Ku Fidinno..” Faysal Cali Waraabe –  Waaheen Media Group ( UCID Chairman of Somaliland: Webwant the party to spread wings in Eastern regions ) |   Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid, Eng Faysal Cali Waraabe oo socdaal ku tagi doona dhawaan bariga Somaliland ayaa tilmaamay in xisbiga Ucid aanu ka jirin bariga, maadaama isaga iyo musharaxa Ucid midkoodna ka soo jeedin gobollada Bari. Waxa uu sheegay inay u qorshaysan tahay sidii xisbiga looga dhigi lahaa mid qoran oo dadku iska wada dhex arkaan.

Maqaal: Maxay tahay sababta 4 jeer dib loogu dhigay dhismaha xukuumadda Jubbaland? - dhanaanmedia.com ( Why has the formation of Jubaland cabinet been postponed fourth time? ) |  Jubaland wax xukuumad ah ma laha, laga soo bilaabo 15-kii bishii sideedaad ee sanadkan, xilligaasoo la doortay madaxweyne Axmed, lagana sugayay in uu si degdeg ah ku soo dhiso xukuumad tayo leh. 21 casho ayuu dastuurka u ogolaa madaxweyneaha, hase ahaatee ma awoodin, waxaana 30-kii bishan desember markii 3-aad loo kordhiyay waqtiga uu ku soo dhisayo xukuumaddiisa, taasoo  sadex bilood ah,kuna eg shanta bisha April sanadka 2016.
Xukuumadda Puntland oo meel-marisey xeerar ganacsi – Horseed Media (  Puntland cabinet passes trade bill ) |  Golaha Wasiirada ee Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah  isugu yimid shirkoodi u danbeeyey ee ay yeeshaan sanadkan 2015, waxaana shir guddoominaayey Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Gaas. War murtiyeed ka soo baxay shirka Golaha Wasiirada ayaa waxyaabah

Xukuumadda Puntland oo meel-marisey xeerar ganacsi – Horseed Media ( Puntland cabinet passes trade bill ) | Golaha Wasiirada ee Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah  isugu yimid shirkoodi u danbeeyey ee ay yeeshaan sanadkan 2015, waxaana shir guddoominaayey Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Gaas. War murtiyeed ka soo baxay shirka Golaha Wasiirada ayaa waxyaabah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>