Tuesday 25 August 2015



Warsoomaali.com is sponsored by Worldsom Solar Worldsom Solar Energy  is a leading and trusted solar energy service provider in Somalia.  

 Image result for ramaas software Ramaas Software is  a website development company operating both in Somalia and in UK

____________________________________________________________

 

5

Madaxweynaha oo Jaamacadda Carabta ku ammaaney taageerada mar walba ay la garab taagan tahay Soomaaliya (Sawirro) – RBC Radio  ( Somali President praises  the Arab League for its  constant support for Somalia     ) |  Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kulan kula yeeshay danjireyaasha dalalka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya. Madaxweynaha iyo danjireyaasha ayaa ka wadahadley xaaladaha siyaasadda, amniga, dhaqaalaha Soomaaliya iyo xoojinta doorka Jaamacadda Carabta ee dib u dhiska Soomaaliya.

Muungaabka

Guddoomiye Muungaab oo ka soo horjeestay Mooshinka ka dhanka ah M.weyne Xasan – Shabelle Media Network (Banadir governor opposes the motion of no confidence against Somali President    ) |  Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa ka horjeestay Mooshinka dhawaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay ka gudbiyeen Madaxweynaha Soomaaliya.

SSDC-290x239

AKHRISO: Go’aanadii Ka Soo Baxay Kulankii Golaha Qurba Joogta Koonfur Galbeed Soomaaliya –  IshaBay Dhaba ( Declatarions from the  congress of Southwest State Diaspora ) | Marka ay taariikhdu ahayd August 22 2015, waxaa shir iskugu yimid xubnaha Golaha Qurba-joogtada Koonfur Galbeed, Southwest Diaspora Congress,. Sidii caadada ahayn shirka waxaa ka soo qayb galay bulsho waynta reer Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kala jooga 5-ta qaaradood ee aduunka sida Aqoonyahanada, Saraakiisha, Haweenka iyo Dhalinyarada.

Idaacad cusub oo laga furay Kismaayo (Radio Soo yaal) –  dhanaanmedia.com ( A new radio  station launched in Kismayo   ) | Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobbolka Jubbada Hoose waxaa saacadihii ugu dambeeyay laga maqlayay Idacaad cusub oo ka soo galaysa Mowjada Fmta- 88.0 MHz, waxaana Idaacadaan la sheegay inuu leeyahay oo uu furtay Mudane Cabdi Cali Raage oo ah masuul ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Jubbaland.

DSC_0476

Wasaaradda Maaliyada Puntland oo Dardargelineysa Cashuuraha Beriga qeybta Gadida (Sales Tex) [Sawirro] – RBC Radio (Puntland Finance Ministry speeds up introduction of  sales tax       )    | Wasaaradda Maaliyada dawladda Puntland ayaa wada olole ballaaran oo ay kor ugu qaadeyso Cashuuraha beriga qeybta Gadida(Sales Tex),waxaana shir lala qaatay ganacsatada Hoteelada Bosaso. Shirka oo lagu qabtay Xarunta Rugta Ganacsiga Puntland ee Bosaso ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Maaliyada Puntlan,Agaasimayaasha Dakhliga iyo maamulka Maaliyada,Xisaabiyaha guud,maamulka gobolka,Taliska Booliska iyo ganacsatada Hoteelada.
FB_IMG_1440421953408

Qurba-joogta Puntland ee dalka Australia oo isku diyaarinaya inay ka soo deggan garoonka diyaaraha Boosaaso si ay furitankiisa uga qayb-galaan (Sawirro) via Somali RBC Radio ( A delegation from Puntland diaspora in Australia to attend inauguration  of Bosaso airport    ) | Qurba-joogta reer Puntland gaar ahaan reer Australia ayaa sanadkan dhammadkisa isku diyaarinaya inay ka dagi doonan garoonka diyaaraha Bandar Qasim ee magaalada Boosaaso kana qayb-gali donaan furitaanka xafladda lugu dahfurayo garoonka qaabka casriga ah loo dhisayo.

 

S2790008

Hay’adda CARE oo Qalab ugu deeqday Jaamacadda Bariga Africa (Sawirro) –  Puntland Post ( Puntland: CARE International donates equipment to East Africa University  ) | CARE International ayaa maanta oo Isniin ah Qalab ku wareejisay Jaamacadda Bariga Africa qaybteeda magaada Garowe, qalabka ayay Hay’addu ugu deeqday Kulliyadda deegaanka oo ay Jaamaddu sanadkii hore hirgalisay.

Wiil Somali-American ah oo JIRDIL loogu geestay Puntland u dhintay via Wacaal Media ( 17-year-old Somali-American killed & brutally tortured at boarding school in Puntland   ) | Camaar C/raxmaan, oo ahaa Wiil 17 Sano jir ah, kuna dhashay Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa Jirdil lagu dilay Iskuul ku yaalla Puntland, sida ay Waalidkiisa u sheegeen TV-ga FOX 9. Hooyada dhashay Camaar Shugri Xirsi, oo Murugo badan Wagijeeda ka muuqatay, ayaa sheegtay in 5 Qof ay Wiilkeeda ugu galeen xilli Habeen ah Bishii May Qolka uu ka jiifan jiray Iskuul Boarding ah oo Caruurta Waxbarasho leh Jiif iyo Cunta ka helaan oo ku yaalla Puntland.

Deeqa

Qaadhaan-bixiyayaasha Doorashooyinka Somaliland oo Aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare iyo Sweden oo Xafiis ka furanaysa Hargeysa- Waaheen Media  (Donors accept decision of Somaliland Supreme Court; sweden to open office in Hargeysa    ) | Kulan Qaadhaan-bixiyayaashu ku yeesheen shalay Hargeysa kadib markii ay soo gaadheen qaar ka mid ah dalalka Qaadhaan-bixiyaha ka ah Doorashooyinka Somaliland ayaa lagu gorfeeyey Marxaladda Doorashooyinka Somaliland, waxaanay go’aansadeen inay taageeraan Go’aanka ka soo baxay Maxamadda Sare ee dastuuriga ah.Qaadhaan-bixiyayaasha oo markii hore ku kala aragti duwanaa go’aanka Maxkamadda Sare oo Ayiday Go’aankii Golaha Guurtidda ayaa shir isugu yimi Hargeysa …

WAR DEG-DEG AH: Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Sirdoonka Somaliland Oo Is Toogtay – Hubaal Media (  Somaliland Intelligence Service officer commits suicide   ) | Mid kamida ilaalada xarunta sirdoonka ee gobolka Maroodi-jeex ayaa lagu soo waramayaa in uu caawa fiidkii isku dhex toogtay xarunta gobolka oo ku taala Turba taariyada Agteeda Amaba Galbeedka Guriga Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland.

Furitaanka Xafladda Jaamacadda Gollis, Laascaanood Oo La Qabanayo Maalinta……. jidbaale.com   (Gollis University Las Anod branch to be launched on September 1    ) |  Maamulka Jaamacadda Gollis, Laascaanood waxa ay ogaysiinayaan Dadweynaha degaanadda sool iyo nawaaxigeeda in Xafladii Furitaanka Jaamacada Gollis, Laascaanood La qaban doono 1, Sep, 2015 Xaflada laguna qaban doono magaalada laascaanood.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>